Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Taleefishinku Waxa uu Hawl'gab ka Dhigaa Kortiaanka Maskaxada Ilmaha!

♠ Posted by Unknown in at Saturday, December 21, 2013
Taleefishinku Waxa uu Hawl'gab ka Dhigaa Kortiaanka Maskaxada Ilmaha!


Daraasaad iyo Baaritaan la Suubiyay Waxay Tilmaamaysaa in Fiirsashada Caruurta Barnaamij'yada Taleefishinada Kabaxa Da'dooda ay ka Hooseeyo Labo Sano Waxa ay Hawl'gab ka Dhigtaa Koritaanka Dabiica ah ee Caqliga Saxada ah, Arintaasna Waxay ku Dhabaq'maysaa Dhamaan Barnaamijyada oo Dhan Xataa Kuwa Tacliintq laga Barto!..
Baaritaano lagu Suubiyay 1000 Reer Caruurtooda Kuwaas oo Da'dooda u Dhaxayso Sideed Bilood ilaa Sanad iyo Bar Saacad Walba oo ay Ilmuhu Hor Fadhiyaan Taleefishin Maalin Walba Ayaga oo Fiirsanaya Barnaamij Tacliin ah Waxay Saacad Walba Bartaan Lix Kalmadood ilaa Sideed Kalimood Wax ka yar inta ay Bartaan Ilmaha kale ee Wax'yaabah kale Ku Cayaara!..Taasina Waxay Noqotay Wax aysan Marna Waalidiinta ilma dhalay aysan Filanaynin!.. Iyo Sida loo Buun'buuniyo oo Dacaayad laguu Suubiyo Barnaamij'yada Tacliimiga ah ee Caruurta yar yar loogu Talagalay!..Waxaana Daraasadaas iyo Baaritaankaas lagu soo Qoray Joornaalk ugu Caansan Aduunka Dhinaca Caafimaadkaaga ee la yiraahdo " The journal of Pediatrics"....
Hadaba Arintaas Sidee Bay Suuragal ku u Tahay!...

Maskax'da Ilmaha Marka ay Da'doodu Tahay 2 Sano Waxii ka Hooseeya Waxay Wax Badan Ka Faa'iidaan Qaab Maskaxeed'kooduna uu ku Hormaraa Dhaq'dhaqaaqa, Cayaaraha, Sidoo kale Cayaaraha kale ee Wax ku'oolka leh, Wax aysan ka Faa'idin Barnaamijiyda kale Waxay Doonaanba ha Noqodaan ayay ka Faa'iidaan Xataa Kuwa Tacliimiga ha Noqodaan!..Kuwa Tacliimiga Waa Kuwa aanan Waxtar Badan u laheyn Ilmaha Waxayna kala Kulmaan Qaadasho la'aan iyo Macluumaad aanan Faa'iido u laheyn, Si Walba oo Xayaysiin loogu Suubiyo!. Ilmahana Dowrkoodu Waxa uu Nqodaa Kuwa aanan Waxba ku laheyn!..

Daraasad lagu Suubiyay Qaabka ay Maskaxadu u Shaqayso Marka Ay Ilmahu Daawanayaan Taleefishinka Waxaa la'ogaaday in uu jiro Wax ka Hor'isaatago Waxa uu Rabo in uu soo Qabsado iyo Caajis Maskaxada ah!..Halka Marka uu Wax Aqrisanayo aysan labadaan Arimood Midna Jirin!..Arintaasna Waxay Hoos u Dhigaysaa Fahmikiisa iyo Awooda uu u yeelan karo in uu Wax Hindiso!..

Daraasad kale oo ay Suubisay Jaamacada University of Glasgow ee Wanadka Uk, Waxay Baaritaan ku Suubiyay Ilmo gaaraya 11000 Kun, Waxay ku Ogaadeyn in Ilmaha Daawda Taleefishinka Maalintii Sadax Saacadood iyo Wax ka Badan Da'doduna ay Tahay Shan Sano, Waxay Noqdaan Marka ay Da'doodu Noqotay 7 Sano Kuwa Qatar u ah Dagaal, Been, Qiyaano iyo Wax'xadid, Arintaasna Waxaa ku Raacay Daraasaad Badan oo lagu Suubiyay Kumaaan Caruur ah ilaa Sodan Sano gudahood!..Waxayna isku'wada raaceyn in Daawashada Caruurta ay ka Daawadaan Taleefishinka Hababka Badan aan Naxariista laheyn, Waxay Kordhisaa 10% in ay Aqbalaan oo ay Shay Caadi ah u Arkaan Ilmaha Heerka ay Doonaan Haka joogo Waxbarashada iyo Bulashada ay la Noolyihiin!..
Waxay kaloo Baaritaanadaas Cadeeyayn in Barnaamijyada Caruurta ay Daawadaan inta Mar oo ay Ka soo Muuqada Wax yaabaha Naxariis'darada leh ay Kabadan yihiin Marnaamijyada ay Dadka Waa'weyn Daawadaan!..Midaas oo aanan Marna Meesha ka Marnayn Xataa Filimada Kartoomada laga Suubiyo Kuwaas oo Saacadiiba laga Helayo 80 Muuqaal oo Wada Xambaarshan Dhaqan ku Dhisan Naxariis Daro!..
Daraasad kale oo ay Suubisay Jaamacad kale oo la yiraahdo University of Hertfordshire Prees ee Wadanka Uk, Waxay Baaritaan ku Suubisay Ilmaha ka yar Todobo Sano Waxay Ka Helayn in iidheh'yada ganacsiga ee Taleefishidnada ay Xayaysiiyaan in ay Sabab u Noqoto in la soo Baxaan Caadooyin iyo Hab'dhaqamo aad u Xun, Sida Damac Badan, in ay kuugu Dhibaan si ay wax Siyaado ah u Helana Wax'yaabah Quuti'daruuriga ah in Kabadan Shan Jeer Caruurta aanan Daawan iidheh'yada iyo Xayaysiinta loo Suubiyo Wax'yaabaha ganacsiga ah!..Waxay kaloo Baraataankaan ku Cadeeyen in 30kii Daqiiqaba Ilmaha Da'doodu Marka Tahay Hal Sano ay Arkaan Sanadkii In lagu Qayaaso 20000 Kun oo Xayaysiinah!....Korbayna u sii Kacaysaa ilaa laga gaaro Ilmaha Qaan gaaray!..

Baaritaan uu Suubiyay Dr. Gordon Greifmn Wadan Mareekanka (U.S National Institute of Health) Waxa uu Cadeeyay in Muuqaalada Aan Na'xariista laheyn ay Arkayaan Ilmaha ilaa ay ka gaaraan 18 Sano ay Dhan tahay Qiyaastii 200000 Kun, Halka ay ka gaarayso inta ay Arkayaan Dad la Dilayo 40000 Kun oo Muuqaal ah!..Waxay kaloo Baaritaankaas Tilmaamaysaa in ay Keeni karto in Ilmaha ay Isticmaalahaan amaba ay ku Ceshadaan si Mar kale u Daawayadaan ama ay u Sahasho in ay Noqdaan Dad Dambiilayaal ah!..
Baaritaano Badan oo la Suubiyay Mudo 25 Sano Waxay Intaba Cadeenayaa in Xiriir Badan uu ka Dhaxeeya Saacadaha Badan ee la hor Fadhiya Taleefishinka iyo Cudurka Buurnida,
Hadaba in Saacado Badan oo la Hor'fadhiisto Taleefishinka Cudu'rada laga Qaado Maxay yihiin!..

La Soco_Qabta_Xiga

Abdirahman Abukar Diini

Ku XirnoW Saacad Walba Kana Dhigo Saxibkaga Kowaad:

0 comments:

Post a Comment