Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Guusha iyo Baraaraha Qoyska Muslimka Ahi

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


Libaanta Macnaheeda Waxaa Waaye Xasilooni
Qofka Markii Uu Libaan Gaaro Waa Qof Dagan Oo Xasilan
Culimada Qaar Waxee Dhaheen Libanata Waxaa Waaye
Waa Qofka Oo Qalbiga Ka Dareemo in Uu Raxeysanaayo.
Sidoo Kale Libaanta , Waxee Tahay Qofka Oo Ku Nolaado
Wuxuu Rabigiis U Qoro.Qofka Aan Ka Hor iMaan Qadarta Rabi.’’

Sidoo Kale Sacaadada Waxaa Waaye Qof Waligiis
Ku Nool Sacaado , Sacadadiisa Aduunyana Ku Xiro
Tan Aakhiro, Rabina Ku Xiran.’’

Dadka Qaar Sacadada Waxee Ka Dhax Arkaan Maalka
Sidoo Qaruun Uu Ugu Dhax Arkey Sacadada Maalka
Qofka Maalka Sacadada U Modana Wuxuu Gartaa
in Maalka Uu Sacaado Aheen Markii Uu Xanuunsado.’’

Labada Lamaane Waxaa La Rabaa in Qalbigooda Wada Nolyahay
Hadii Jirkooda Bis Wada Nolyahay Meshaas Waxaa Ka Dhalanaya
Midkood Markii Uu Qalad Galo Qaladkaas Ayaa Kenaayo in
Uu Guriga Dumo.’’

Toban Dariiqo Oo inoo Kenaya in Aan Isjeclaano.’’
1-Ninka Waa in Uu Fahmo Gabadha Maxee Tahay
Gabadhana Waa in Ey Fahanto Ninka Muxuu Yahay.
Markii Guriga La Joogo , Ninku Waa in Uu Garto
Gabadha Doorka Ey Ka Ciyareyso Guriga
Si Uu Jacelkiisa U Wenaado. Ayadana Waa in Ey Garato.’’
Odey Reer Suriya Ah Oo Caalim Ah, La Dhaho Cali Dan Daabi
Ayaa Wuxuu Yiri Waan Baarey Qur’anka , Waan Baarey Axadiista
Waan Baarey Dhaqamada Wanaagsan Waan Baarey Nolosha Bini Adamka
Ninka Markii Uu Guriga Joogo, Waa Tiir, Gabadhuna Waa Lagu Nastaa
Hadeey Gabadhu Weyso Tiir  Sacaado Maleh,
Ninkuna Hadii Uu Waayo Wuxuu Ku Nasto , Sacaado Ma Haayo
Allah Qur’ankiisa Wuxuu Ku Dhahay:
Waxaa Ka Mid Ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka Abuuray Naftiina Haween Si Sad isugu Xasishaan, Yeelayna Dhexdiina isjacayl iyo Naxariis, Taasina Waxaa Ugu Sugan Calaamad Qoomkii Fikiri{21}

2-Arinta Labaad Waxee Tahay Ninka Xaqa Uu Leeyahay
Ayee Gabadhana Leedahay, Ninka Waa in Uu Iska Dhigo
Romantic Sida Uu U Jacelyahay Xaskiisa in Ey Iskugu Qurxiso
ibnu Cabaas Ayaa Maalin Si Wanaagsan isku Qurxiyey
Markaas Ayee Ardeydiisa Weydiiyey.
Wuxuu Yiri Waxaan isku Qurxinayaa Xaskeyga
Sidey Ayaduba Isugu Key Qurxiso,
Waxey Dhaheen Xagee Ka Kentey
Markaas Ayuu Aqriyey Ayadaan:
وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ
 Waxaay Leeyihiin Wax La Mid Ah Waxa Korkooda Ah Si Fiican
Nabiga Caleyhi Salatu Wasalaam Wuxuu Dhahay
Dumar Waxaa Ugu Kheyr Badan’
Mid Hadaad Aragti Ku Raali Galineysa
Hadaad Amartina Ku Adeceysa
Markaad Maqantahay Kuu Xifdineysa
Nafteyda iyo Malkaaga.’’

3-Sacaada Zowjiyah, Sacadada Zowjiga Ah
Waxaa Keena Nin, Ninkaasna 3 Sifo Ayuu Leyahay
1-Waa nin Aad Adag , Adeega Ma ahan Markii Uu
Saxibadiis La Joogo in Uu Jilacsanyahay
Markii Uu Gurigiisa Yimadana Ad Adagyahay
Adeega Waxaa Loola Jedaa Waa Nin Adag
Markuu Uu Go’anka Qadanaayo

2-Waa Nin Naxariis Badan,
3-Waa Nin Abanimo iyo Zowj Jamciya
Gabadha Wey Ku Raxeysaneysaa
Ninka Raganimada Leh Naxaristana Badan.’’


4-Labada Qof Waa in Ey Shekeystaan

5-Waa in Uu Jiro Jacel Dheer Oo La is Wedarsanaayo
Oo Eysan Aheen Jacel Hal Qof Kaliyah Wada
Culimada Waxee Dhaheen Jaceylku Ma ahan
Shegasho Been Ah , Jacelku Ma ahan in Dadka La is Tuso
Markii Kali La yahayna Aan Jacel La isku Heen
Jacelku Ma ahan in Aad Soo Dawati Filim Yar Oo Jacel Ah
Ama  Aad Soo Aqrisi Buug Yar Oo Jacel Ah
Jaceylku Ma ahan Markii Aad Dan Ledahay Uun in Aad Sameyso,
Jaceylka Xaqiiqiga Ah Waxaa Waaye Dareen
Darenkaasna Xididada Ayuu Dhax Fadhiyaa
Jacelkaas Waa Cumri Dheeryahay
Nabiga Caleyhi Salatu Wasalaam Wuxuu Dhahay:
iLaahey Wuxuu Igu Arzaaqey Jacelka Khadija

Jaceylka Dhabta Ahi Wuxuu Ka Yimadaa Qalbiga

6-Labada Qof Ee Wada Nool Waa in Ey U Dhaqmaan
Si ilbaxnimo Ah, Sidee Waaye ilbaxnimadaas
Waxaa Ka Mid Ah ilbaxnimada in Cunada La Wada Cuno
Waliba Odeyga iyo Xaskiisa Markey Cunada Wada Cunayaan
Waa in Ey Isa Siyaan Oo Midba Midka Kale Gacantiisa Ku Siiyo
Waxaa Jira Xadiis Nabiga CsW Ka Sugan, Waa Xadiis Saxiix Ah.
Nabiga CsW Wuxuu Yiri Hadaad Sadaqo Bixisi Ood Miskiin Siisi
Ood Qarabadaada Siisi iLahey Sadaqo Ayuu Kuu Qorayaa
Xataa Cadka Hilibka Ah Aad Galiso Afka Zowjadaada
intaad Gacantada Ku Soo Qaado Oo Xaskaaga Afkeda Galisi

ILbaxnimada Waxaa Ka Mid Ah in Labada Qof isla Safraan
Xadiis Saxiix Ah , Bukhari  iyo Muslim Ayaa Wariyey.’
Rasulka iLaheey Caleyhi Salatu Wasalaam Wuxuu Ahaa
Hadii Uu Doono in Uu Safar U Baxo, Dumarkiisa Ayuu U Qori Tuuri Jirey
Tii Uu U Soo Baxo Qori Tuurka Ayuu La Wadan Jirey Nabiga CsW

Anas Allaha Ka Raali Noqdee Wuxuu Yiri
Nabiga Caleyhi Salatu Wasalam Gurigiisa Habeyn
Oo Safar Ka Soo Labtey Ma iman Jirin iLaa Guriga
Wuxuu imaan Jirey Waqti Fiican Waana La Sii Oganaayey
Taas Waxaa inoogu Sugan Cashir
Manta Waxaa Jira Talefan Hadaad Safar U Baxdi
Ood Safarkii Ka Soo Noqoneysi Xaskaaga Soo Wac
Oo U Soo Sheeg Xiligaad iManeysi
Ha iska iMaan Guriga Adigoo Lagugu Tashaneen.’’

Arinta Afaraad Ee iLbaxnimada Ka Mid Ah Waxaa Ka Mida
in aad isku Daydi in Aad Odeygaaga is Raac Raacisi
Ninkuna In Uu Islantiisa is Raac Raaciyo, Tusaale
Waxee Jeceshahay in aad Jeclaati, Raali Gali Qalbigeeda
Waxaas Oo Ah Wax Aan Shareecada Ka Hor iManeen
Gabadhana Sidaas Oo Kale Odeygeeda Wuxuu Ka Helo
Aan Shareecada Ka Hor iManeen , Raac Oo Ku Raali Gali
Taas Waxaan Ka Qadaneynaan Xadiskaan.
Nabiga Caleyhi Salatu Wasalaam Wuxuu Ahaa Nin Fudud
Yacnii Naxariis Badan Raganimo Badan
Hadeey Ca’isha Wax Jeclaato Wuu Raaci Jirey


7-Naxariis in La is Weydarsado,
Ninkaaga Hadii Uu Guriga Yimaado
Asagoo Aad U Daalan Ama Uu Ku Dhaho
Madaxa I Xanunaayo Waa in aad U Naxarisataa
Ood U Sameysaa Wax Walba Oo Uu Ku Farxaayo
Xitaa Hadii Uusan Kuu Sheegin In Meel Xanuneyso
Dareen Oo Fahan, Naxariista Ayee Ka Mid Tahay

8-Tan sidedaad Waa in Had iyo Goor
La is Qurxiyo La iskuna Raxeysto
Waa in Indhihu Raxeystaan.
Waa in Dhaguhu Raxeystaan
Waa inuu Sanku Raxeysto
Waa inuu Carabku Raxeysto
Waa inuu Qalbigu Raxeysto
Waa in Gacantu Raxeysato
Waa in Dareemadu Raxeysto
iLahey Wuxuu Yiri Subxanuhu Watacalaa:
Ibnu AadamoW Quruxdiina Qaata
Markaad Masajidka Jogtaan
Qofka Muslimka Ahi Waa in Uu Qurux Badnaado
Rasuulka Caleyhi Salatu Wasalaam Wuxuu Dhahay:
Alle Waa Qurux Badanyahay , Quruxduna Waa Jacelyahay;
Nabiga CsW Wuxuu Yiri Dumar Waxaa Ugu Kheyr Badan
Qofka Aad Aragti Ee Ku Raali Galiya:

Baraa ibnu Caazim Wuxuu Yiri:
Nabiga Caleyhi Salatu Wasalam Wuxuu Ahaa:
Nin Joog Qurux Badan Oo Garbihiisa Kala Fidanyihiin
Wuxuu Lahaa Timo Qurux Badan Oo Dhagaha Garaya
Wuxuu Yiri Waxaan Arkey, Asagoo Sita Dhar Cas
Waligeey Ma arkin Wax Ka Qurux Badan Nabiga CsW

9- Tan Sagalaad Ee Sacadada Keneysa Waxee Tahay Gar’gaar
in Labada Qof Is Cawiyaan, Midbka Midka Kale
Waa in Uu Siyaa Garab Oo Uusan Ku Fiirsan
Howlaha Qaar Oo Ey Heyso, Ayadana Sidoo Kale.’’
Ca;isha Waxaa La Weydiiyey Nabiga Markuu
Aqalka Joogo Muxuu Sameyney
Rerkuu Wax U Qabaneyey Oo Uu Cawin Jirey
Waxaa Kaloo Ey Tiri Dharkiisa Ayuu Tolaney
Kabihisana Wuu Hagagsanjirey
Hadii Salada La Xadirana Oo Aqimo Wuu Bodi Jirey
Sidii in aan Aqoon.’’


Nabiga Calehi Salatu Wasalaam Xadiis Saxiix Ah Wuxuu Ku Dhahay:
Oo imam Xaakim Yiri Waa Saxiix:
Afar Shey Waa Raaxo, Afar Shey Ayaa Raxada Laga Helaa.’’
1-Gabar Wanaagsan, Nin Wanaagsan.’’
2-Aqal Balaaran.’’
3-Dariska Wanaagsam.’’
4-Gadiid Raaxo Leh.’’

Qofka Muslimka Ahi Guriga Sidee Buu Uga Dhigi Karaa Raaxo?
1- Labada Qof Waa in Jawiga Ey Ka Dhigan Mid Dagan
Oo Qurux Badan Waa in Ey Isla Aqriyaan Qur’aan Ama
isla Duceystaan, Ama Salaad Isla Tukadaan’

2- Qofka Waa in Uu Baa’biyo  Waxkasta
Oo Kenaya in Uu Qofkaan Ka Fogeeyo.’’

3- in Xogaa La isla Fadhiisto Meel Jawigeeda
Qurux Badanyahay, Sida Fadhiga , Ama Sariirta Lana Shekeysto

4-Xogaa in La Kaftamo La Isla Fara Kiciyaaro,
 Xogaa La iska Qosliyo

Ca’isha Allaha Ka Raali Noqdee Waxee Tiri
Waan Cabayey, Anigoo Xeydkii Ku Jira
Kobkii Biyaha Aan Nabiga CsW U Dhibayaa
Markasuu Afkiisa Dhigayaa Oo Uu Ka Cabayaa
Mesha Aan Ka Cabey Biyaha

6- in Jirka La isku Dhadhaweeyo.
Ma ahan Jir Xaraan La iskugu Dhaweynaayo
Waa Jir is Leh Oo Xalaal isku Ah.’’

Waxee U Dhorantahay Xuquuqda Maqalkaan :
Boga Abdirahman Abukar Diini

Waxaa Soo Daabacay:
Abdirahman Abukar Diini

Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska
Abdirahman Abukar Diini

Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.Abdirahmandini@gmail.com

0 comments:

Post a Comment