Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

GABDHO CILMIGA KU CAAN BAXAY

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


GABDHO CILMIGA KU CAAN BAXAY...
ZIBU NISA BINT AALIMKEER (1048 H - 1113 H)
Waxaa Dhalay Boqorkii India ee Muslimka Sunnadaa Ahaa, Awrang Zeb Aalimkeer..Wexey ahayd Qoraa, Caalimad, Gabyaa..Waxaana dhici karta sababtu iney ahayd Aabeheed oo ahaa Boqor Cilmiga iyo Diinta aad u jecel..Waa Boqorka aabihiis Dhisay (Taj Mahal)..Wuxuu Ahaa Boqor, Qur,aanka Xifdisan, Salaadda iyo Taraawiixda Tujiya, Kitaaba Qoray Fiqhiga ah, Jihaad Badan oo India oo dhan Qabsaday, Khamrada Joojiyey, Gaalada Hinduuska Jizyada ka qaaday, Burtuqaaliyiinta la dagaalamay, kuwii muusiiqada iyo heesaha tumi jirey Qasriga xukunka ka cayrshey, Culimada soo dhowaystey..markii uu dhimanayeyna ku dar daarmay in lagu kafno kafan joogta 5 Rubbiyadood oo uu ka kasbaday Musxafka Qur,aanka oo uu gacantiisa ku Qoray..Waxaana lagu aasay qubuurta Muslimiinta ugu dhow siduu ku dar daarmay ee Xaydar Abaad.
Gabadhu wexey Qortay sida la sheegay Kitaab Tafsiirka Qur,aanka ah, iyo Kitaab ay ku ururisay Gabayadii ay tirisay, oo Luqadda Faarisiga ah..


GABDHO CILMIGA KU CAAN BAXAY....(2)
ZAINAB BINT AXMAD BIN CABDIRAXIM AL MAQDISIYAH
Wexey Dhalatay 646 H.. Culimada Badan ayey Cilmiga ka akhrisatay..Xadiiska iyo Fiqhiga ayey aad ugu xeel dheeraatay..Culima waaweyn oo uu Imaam Mundiri ka mid yahay ayaa Ijaaza siisay..
Imam Dahabi wuxuu yiri: Wexey la gaar noqotay Rati intuu qaado oo kutub xadiis ah iney yeeriso..Wexeyna ahayd qof diin badan..Khayr badan..Wax badan werisey...Ardayduna kusoo xoontay..Kutub waaweynna ku dul akhrisay..Wexey ahayd qof akhlaaq wanaagsan..Dulqaad badan..Waxaa dhici jirtey Maalinta inteeda badan in ardaydu ku dul akhrido..Yaraanteedi ayaa indhaha daaf kaga dhacay..Weligeedna ma guursan..
Kutubta lagu akhriyey waxaa ka mid ah: Qayba ka mid ah Kitaabka Al Istidkaar ee Ibn Cabdilbarr.. Kitaabka: Adducaa, oo Qaadi Maxaamili Qoray, iyo Kutub Fara Badan..
Ibnu Xajar wuxuu yiri: Wexey dhimatay 19 Jumad I, 740 H, iyadoo 90 dhaaftay, geerideediina dad badan ayaa darajada xadiiska hoos u degey xaga sanadka..
Waxaa la sheegay iney lahayd kitaab ay ku qortay dhammaan culimadii ay cilmiga ka qaadatay..

GABDHO CILMIGA KU CAAN BAXAY (3)
FATIMA BINT MUXAMAD BIN AXMAD ASSAMAR QANDIYA
Waxaa dhalay caalimka weyn Imaam Muxamad Bin Axmad Abu Mansuur Al Samarqandi, oo qoray Kitaabka (Tuxfatul Fuqahaa) iyo (Allubaab) oo Usuulul Fiqhiga ah, iyo kutub kale, wuxuu dhintay (575 H).
Waxaa Gabadha guursadey Abubakar Bin Mascuud Bin Axmad Al Kaasaani oo lagu magacaabi jirey (Boqorkii Culimada) waa ninka Qoray Kitaabka weyn ee Fiqhiga Xanafiga (Badaa'icu Sanaa'ic Fii Tartiibi Sharaa'ic) iyo qeyrkiis, Wuxuu sheekh ka ahaa Madarasad weyn ee Xalab ku taal.
Gabadhu Aabeheed ayey Fiqhiga ka qaadatay, Kitaabkiisa (Tuxfaha) na wey xafidday..aabeheed ayaa ninkan u guuriyey markuu Kitaabkaan Tuxfaha sharxay..oo uu ka dhigay meherkeedi..sidaasaa loo yiri (Kitaabkiisii ayuu sharxay..Gabadhiina wuu u guuriyey)..
Wexey ahayd qof fiqhiga ku xeel dheer, ninkeeduna isagoo Caalim ah ayuu qaddarin jirey oo uga dambayn jirey, waxaa la yiri Fatwadu wexey ku soo bixi jirtey saddexdooda saxiix iyada iyo aabeheed iyo ninkeeda..Mar marka qaar ninkeedu fatwada ku gafana wey sixi jirtey oo iyaduu usoo noqon jirey..
Wexey lahayd Jijiman qaalliya, wey iibisey, qiimihiina wexey ku samaysay maalin walba Afur iney culimadii iyo ardaydii madarasada ugu samayso, taasoo sunno ay jideysey noqotay Xalab..
Xalab, Suuriya ayey degganayd ilaa ay ku dhimatay, kadibna ninkeedu ku dhintay, kutub badan ayey qortay oo Fiqhiga iyo Xadiiska ah Allaha u Naxariisto...


Qore:.Sheekh Maxamed idris
Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska
Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

Abdirahmandini@gmail.com

1 comments:

Maashaa Allah tabarka Rahman, gabdhahas ayaa noogu filan ku dayasho Rabbi hanagu arzaaqo cilmi naafic ah nagana dhigo fighiyaad diinta iyo dalka anfaca. Anagau manata sida guriga loo hagajiyo iyo caruurto loo koriyo ayaanba soo dhaafi weyn wlalahu musta'aan. Su'aasha an isweydinayo waxa waye dumarkanu ma waxa ay la hayeen hibo anagu anan heysan???

Post a Comment