Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sharka Sixirka Ishsha iyo Xaasidka

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


Wuxuu Ku Sheegay Ibnu Qayyim Kitaabkiisa Badaa-ic alfawaaid Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sixirka Ishsha iyo Xaasidiinta ilaahay idinkiis:


1-Magangalka ilaahay iyo dhufeyska kadhigashada Xuska ilaahay
2-Cabsida ilaahay Oo Macnaheedu Yahay Raacidda Waxa Eebe Faray iyo Ka Dheeraanshaha Waxa Uu Reebay Waayo Qofka ilaahay Ka Cabsada Cabsi Dhab ah Wuxuu ilaahay Kafaala Qaadayaa Xifdintiisa iyo Dhawridiisa
3-Waa inuu Y Daayo Cadawga Xaasidka ah ilaahay Waayo Dhagarta Xumi Waxay Xaaqdaa Dadkeeda.
4 –Talasaarashada ilaahay:Qofka Tala Saarta ilaahay Waxaa Dhab ah inuu ilaahay Ku Filanyahay.Talasaarashaduna Waa Waxa ugu Wayn Ee adoonku Kaga Hortago Waxa Tabartiisa Ka Wayn Oo Ah Dhibaatooyinka uunka.
5-in Qalbiga Laga Saaro Danaynta Xaasidka Waa in Aan Dhag Jalaq Loo Siin Xaasidka Lagana Cabsanin
6- U jeedsiga Xagga ilaahay iyo Badhaxtirka Cibaadadiisa iyo Xaqqiisa.
7-Towbada Oo Laga Toobadkeeno Danbiyada oo Dhan Kuwaad Ogtahay iyo Kuwa aadan Ogaynba Waayo Badanaa ibtiladu Waxay uga Timaadaa adoonka Dunuubtiisa
8-Sadaqysiga: Sadaqada iyo Samafalkuba Waxay Kaalin Wayn Ka Qaataan Celinta isha iyo Sixirka
9-Daminta Dabka Xaasidka Taas oo Loo Adeegsanayo Jidka ixsaan iyo Samafalka Waa in Loo ixsaan Falaa Si aad Uga Badbaadid Xaasadkiisa iyo Waxaa la Arkaa in uu Ku Tixgaliyo Ama Kaa Xishooda Sida Loo Yiriba Af Wax Cunay Xishoo Taas isagoo ilaahay Ka Hadlayo Ayaa Wuxuu Yiri (Mana Eka Wanaagga iyo Xumaantu Reebna(Bixi) Arinta Fiican Markaas Waxaa Soobixi in Midkii Coli idin Dhexyiil uu Noqon Sokeeye iyo Saaxiib{ Fusilat 34}
10-Waa in la Xaqiijiyaa oo La Dhabeeyaa Tawxiidka ilaahay Lagana Dheeraadaa Shirkiga Ama Waxa la Wadaajinta ilaahay Subxanuhu Watacalaa Cibaadadiisa Taas Markii la Helo Wuxuu Helayaa Qofka Amni iyo Xasilooni

W/Q:C/Raxman Abukar Diini

Ku XirnoW Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska:

Wixii Talo iyo Tusaale Ahna Noogu Reeb Qeybta Fikradaha Ama Barta Face Book

Abdirahman Abukar Diini

1 comments:

Casinos in the UK - How to find good games - GrizzGo
So, febcasino what do we mean by “casinos https://febcasino.com/review/merit-casino/ in the https://jancasino.com/review/merit-casino/ UK”? to gri-go.com find https://septcasino.com/review/merit-casino/ a casino and live casino games on a mobile phone device in 2021.

Post a Comment