Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Runta iyo Miraheeda

♠ Posted by Unknown at Tuesday, January 14, 2014
Runta iyo Miraheeda

Allah Subxanuhu Watacalaa Wuxuu Dhahay -:
Kuwa Xaqa Rumeeyow Ka Dhawrsada Eebe
Noqdana La Jirka Kuwa Runta Badan{Towba-119}

Wuxuu Kaloo Yiri Alle Caza Wajal -:
Ragga Run Sheegayaasha Ah Ee isu Dhiiba Alle, iyo
Dumarka Run Sheegooyinka Ah (Liibaan Baa U Ahaatay{Al-Axzab-35}

Wuxuu Kaloo Yiri Eebe Subxanuhu Watacalaa -:
Haday Eebe U Runsheegaan Yaa U Khayr Badan{Muhammad-21}

Abuu Muxammad Al-Xasan ibn Cali (A.K.R.) Wuxuu Sheegay inuu Ka Bartay Ereyadan Soo Socda Nabiga (S.C.W.): Ka Tag Wixii Aad Ka Shaki Santahay, Oo Raac Wixii Aan Ku Jirin Laheynna Shaki. Maxaa Yeelay Runtu Waa Raaxo Qalbiga Uu Ku Dego, Beentuna Waa Welwel iyo Welbahaar.

Waxaa Wariyey (Tirmidi) Wuxuuna Yiri Waa Xadiis Saxiix Ah []

Xakiim ibn Xizaam (A.K.R.) Wuxuu Yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu Yiri: Heshiiska Wax Kala Gadasho Waa Laga Noqon Karaa inta Ayan Kala Tegin Labada Wax Kala Gadanaysa. Haddii Ay Sheegaanna Runta Oo Ay  Caddeeyaan Wax Waliba Oo La Xiriira Badeecada iyo iibkooda, Waa Loo Barakeeyaa Labadaba, Haddii Ayse Been Ku Hadlaan Oo Ay Qariyaan Waxaa Loo Baahan Yahay in La Caddeeyo Oo Daaha Laga Qaado, Barakada iibkaasi Waa Laga Qaadaa. Waxaa Wariyey (Bukhaari iyo Muslim)

 Fiiro Gaar Ah: Runtu Guud Ahaan Waxaa Loola Jeeda inaad Ku Hadasho Run, Islaam Ahaan Runta Waa Wax Macno Ballaaran, Oo Waxaa Soo Galaya Ka Run Sheeggidda Camal Kasta Oo Aad Qabaneyso. Qofkuna Waxay Hadalladiisu iyo Camalkiisu Toosayaan Markii Ay is Waafaqaan Waxa Uu Ku Hadlayo iyo Waxa Uu Uurka Ku Heysto, Taa Baana La Yiraa Run. Imaam Ghazaali Wuxuu Sheegay Lix Nooc Oo Ay Runtu U Kala Qaybsanto:

1- inaad Run Ku Hadasho.
2- inay Niyaddaadu Run iyo Daacad Tahay.
3- inay Run Kaa Tahay Guddoonka iyo Go’aanka Aad Qaadaneyso.
4- inaad Si Run iyo Daacadnimo Ah Aad U Fuliso Go’aankaas.
i5- naad Si Run iyo Daacad Ah Howsha Aad Qabaneyso U Gudto.
6- inay Run iyo Dhab Ka Ahaato Diinta iyo iimaanka Aad Sheeganeyso.Oo Qowl iyo Ficilba Aad U Muujiso.

Waynu Aragnaa inay Runtu Tahay Aasaaska Samaan Falidda. Qofka Aan Runlowga Aheyn, Wuxuu Ku Heysanayaa Qalbigiisa Nooc Kasta Oo Xumaan Ah, Qofkase Runlowga Ah Wuxuu Awood U Yeelanayaa inuu Gaaro Samaan iyo Kheyr Waliba Si Fudud Oo Aan Dhib Laheyn. Qofka Tilmaamahaa Wanaagsan Aan Kor Ku Soo Xusnay Leh Waxaa La Oran Karaa Waa Qof Runlow Ah.''

Runtu__Waa_Raaxo

Ku Xirnow Oo Ka Dhigo Saxibkaaga Kowaad
Hoyga Dacwadda iyo Arimaha Qoyska.
Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

Abdirahmandini@gmail.com

¯`v´¯)___♥ Like & Share (◕‿◕)
`•.¸.•'______♥ Hoyga Dacwadda & Arimaha Qoyska
¸.•´¸.•¨) ¸.•¨)__♥ 13-Rabbi'ul-Awwal-1435--HJ
♥(¸.•´ (¸.•´ (¸.•¨ Abdirahman Abukar Diini ★

0 comments:

Post a Comment