Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Afar Arimood Hadii La Helo Labada Lamaane Raaxo Ayee Ku Nolanayaan

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


Rukniga1aad- Raali Nimo, in Uu Ninka Zowjadiisa Ku Raali Noqdo , Dhinac Hadeey Ku Qaldantahay Waxaad Ka Heleysaa Dhinac Ee Ku Wanagsan Tahay Ood Ku Raali Tahay


Gabadhana Waxaa Laga Rabaa Ayadana in Ey Ninkeeda Ku Raali Noqoto Oo Ey Fiiriso Dhanka Uu Ku Wanagsanyahay Oo Farxad Galiya Waxee Ka Heleysaa Dhan Uu Ku Fiicanyahy Marka Haku Qanacdo Dhankaas Hana Ku Ralai Noqoto.’’

Wuxuu Dhahay Allah Asagoo La Hadlaya Raga:
Kula Noolaada Si Fiican, Haddaad Kahataan Waxaa Suurowda inaad Kahataan Wax Uu Yeelo Eebe Dhexdiisa Khayr Badan[19]

Sidoo Kale Nabiga CaLeyhi Salatu WasalaM Wuxuu Dhahay:
Yuusan Ninka Muslimka Ahi Wax Caro iyo Naceyb Ah U Qaadin Haweenta Muslimadda Ah. Arrin Buu Ku Qoonsan Karaa, Waxaase Laga Yaabaa inuu Midkale Oo Wanaagsan (Ka Helo) Oo Uu Raalli Kaga Noqdo".(Muslim)

Raalinimadaas Waxaa Ka Hoos Baxda Labo Sifo Oo Kala Ah
Maxaba…Jaceyl .. Xaskaaga Waa in aad Jeclaati Ayadana Ku Jeclaato Jaceylkaasna Waa in Uu Ahaado Mid La Arkaya Mid La Carfin Kara Mid La Dareemi Kara Guriga Dhan Waa in Uu Buuxiyo Jaceylka Arkantiisa,
Tan Labaad Ee Ah Kalgaceyl Waa Maxay Kalgaceyl Waa Mid Ka Sareeya Jaceylka Waa in aad Zowjadaada U Heysi Kalgaceyl.’’

Rukniga2aad- Kalsooni, Labada Qof Ee is Qaba Waa in Ey Ka Dhaxeyso Kalsooni Kalsoonida Maxaa Dhisa, Kalsoonidu Waxee U Bahantahay Ayadana in La Helo Labo Arin
1=Labada Qof Ee Nolosha Qeybsadey Waa in Uu Jiro Xariir Jogto Ah Oo Ka Dhaxeeya Waa in La is Cafiyo Markii Khalad Dhacaba ,
2=Tan Kale Ee Loo Baahanyahay Waa Dulqaadasho in Labadii Qof isku Dulqataan 



Rukniga 3aad- in La is ixtiraamo ixtiraamka Wuxuu U Baahanyahay Labo Arimood, 1=ictiraaf in aad ictiraafdo Booska Ee Xaskaaga Tagantahay  2=Qadaraad Markaad Gurig jogti ood Xaskaaga La Hadleysi Ugu Yeer Magaca Ey Jaceshahay Ama Ey Ku Farxeyso Sida Qalbigediyow iyo Barkeygiyow Ayadana Waa in ey Kula Hadashaa Hadalada Uu Jacelyahay Ama Uu Ku Farxaayo Sida Geysigeygiyow Kii Aan La Antiis Ku Feyniyow Kii Nolosheyda Farxad Galiyiyow IWM.

Rukniga 4aad is Fahan isfahankuna Waxaa Ka Hoos Baxeysa Shan Arimood Waa in Labada Qof Shan Arimood iska Fahmaan Markey is Qabtaan Arimnta

1aad – Waa Fikirka in Labada Qof Ey Kala Fikir Ahaan Ama Uusan Mid Oran Fikirkeyga Ayaa Saxan Ee Waa in Ey isla Wadagaan Fikirka.’’

2aad- in La isku Waafaqo Xaga Dhaqaalaha in Ey Labada Qof Wixii Dhaqaalo Ah Ey Soo Gala Ey U Kala Habeyaan Si Caqli Ah Hadii Uu Mid Shaqeeyo Midna Uusan Shaqeyn Waa in La isla Wadaago Sidoo Kale Hadii La Wada Shaqeeyo Waa in Maalka La isku Darsado Oo La isla Wadaago Waa in Ey Ka Wada Tashtaan Sida Ey U Kala Mareyn Lahayeen Maalkaas Maxaan Caruurta Galinaa Maxaan Somalia U Dirnaa

Tan 3ad- Waa in Labada Qof isku Wafaqaan Kulanka Oo Ey Wada Tashtaan

Tan 4aad Waa in La isku Waafaqo Tarbiyeenta Ubadka Oo Eysan isku Qilaafin iyo in Ubadka Hortooda La isku Qilaafin La isku Canaanan Si Eysan ILmaha idiin Arkin Hadii Uu Aabaha Amar Baxsho in Eysan Hoyada Ku Khilaafin Hadii Hoyada Amar Bixisana Aabuhu Ku Khilaafin Caruurta Hortooda.

Tan 5aad Waa isku Waafaqa Sariirta,

1-ILaheey La Jir Ayadana iLaheey Hala Jirto Alle Halagu Xirnaado Hana Latala Saarto

 2-Nolosha Cusboneysiiya Aroos Cusub Dhigta Yacnii Sanad Kastaba Noloshiina Ha Ahaato Marba Midka Ka Sii Qaalisan Kana Qurxoon

 3-Sida Caruurta Ha La iskula Dhaqmo Yacnii Halisla Ciyaaro Ha La isla Kaftamo Halis La Dheelo iwm

 4-Waa in Labada Qof Wax Dilaan Yacnii Waa in La Jabiyaa Ama La Badalaa Qaabka Aad U Wada Noshihiin Ood Badashaan Nolosha Cunada Aad Cuntiin Badala Dharka Aad Xirataan Badala Qaabka Uu Guriga U Yaalo Badala

 5-Waxaa La Rabaa in Nolosha Laga Dhigo Tomantic Oo La iskula Hadlo Hadalo Macaan La iskuna iibiyaa Hadiyad Soo Jiidasho Leh

 6-Waa in La isticmaalo Luuqada Jaceylka Oo Ey Labada Qof iskula Hadlaan Hadalada Ugu Wanaagsan Ee Soo Jiidashada Leh

 7-In aad Ka Shekeysi Wanaaga Zowjadaada/Zowjkaaga Waligaana Haka Shekeyn  Xumanta Zowjadaada /Zowjkaaga

 8-Waa in La isku Diro Qoraalo Yar Yar Oo Macaan Adigoo Jogti Shaqada Ama Gaari Saaran Adigoo Adegsanaayo Hadalo Qalbiga Soo Jiidabaya Sida Xabiibti Waan Kuu Xiisey Xabiibti Waxaan Jecleystey in Aan Codkaaga Maqlo Xabiibti Waxaan Soo Xasuustey Gacmahaga Macaan Aad iigu Karisi Cunada Macaan iyo Erayada La Midka Ah,

 9-iska iLaali Waligaa in aad Zowjadaada Garab Dhigti Gabar Kale Aad Dhahdi Manta Waxaan Soo Arkey Gabar Saas iyo Saas Ah Adna Sidoo Kale Waligaa Zowjkaaga Haku Dhihin Manta Waxaan Soo Arkey Wiiil Sidaas iyo Sidaas Ah

 10-in Xogaa Lakala Dheraado isbuuc Ama Bil Oo Aad Aadi Walidkaa Ama iyada Aad U Dirti Waalidkeed Si La iskugu Xiiso Oo Ey Noloshu U Sii ,Macanaato

La Soco Labada Qeyb Oo Kale



Waxaa Qorey:
Abdirahman Abukar Diini

Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska
Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.


Abdirahmandini@gmail.com

2 comments:

Post a Comment