Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Sowjka Guleysta Waa Kan Leh Tilmamahaan

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


[]-Wuxuu ku Guleystaa inuu gaarsiiyo xaaskiisa in ay dareento amaan iyo xasilooni.

[]-Wuxuu dareensiiyey xaaskiisa in ay tahay xabiibadiisa uu caashaqay. 
[]-Wuxuu dareemayaa xiriirkoodu inuu yahay xiriir rabaani ah oo weyn. Asaaska xoogiisa iyo quwadiisu waa runta iyo daacada.

[]-Wuxuu dareemaya in guurku yahay masuuliyad iyo ilaalin, tarbiyeen. Ma dareemayo in masuuliyada lagu khasbay, mana dhibsado. Kamana cararo masuuliyada reerka iyo guriga.

[]-Masuuliyada guriga ee uu sido waxay ka caawisaa inuu ku najaxo shaqadiisa ama wax barashadiisa.

 []-Wuxuu saaraa ihtimaam akhlaaqda guriga lagu dhaqmo, wuxuuna ka bilaaba naftiisa wuxuuna noqdaa qof, sharaf leh, dabacsan, naxariis leh, saamaxaad badan.

[]-Wuxuu qaban karaa caradiisa, haduu caroodona ma caytamo mana dilo wax, mana qayliyo.

[]-Wuxuu u sabraa qaladka qofka kale, cudurdaarkana wuu aqbalaa. Haduu qaldamo wuu ictiraafaa, wuuna raali galiyaa qofka uu ku qaldamay.

[]-Waa mid udhexeeya romaantik & dabacsanaan.

[]-Wuxuu aaminsanyahay in dumarka iyo nimanka ilaahay simay oo midna ka kale ka fiicnayn ilaa taqwada mooyaane, wuxuuna ka dhigaa latashiga xaaskiisa manhajka noloshiisa.

[]-Wuxuu ogyahay inuu yahay hogaamyihii, wuxuuna ku dhaqaa, cadaalad iyo ilaalin, dabacsanaan, naxariis & go'aan

Ku XirnoW Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska

Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.
Abdirahmandini@gmail.com

1 comments:

Post a Comment