Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Dareenka Xilka Ku Saaran

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014

Dareenka Xilka Ku Saaran
----------- Q,1aad -------
Rabbi (Swt) Qof Kasta Oo Bani Adam Ah Wuxuu Saaray Xil Adag Oo isaga Ugaar Ah, Oo Lagala Xisaabtami Doono Qofka Ayaana Laga Rabaa inuu Kasoo Baxo Xilkaa Saaran isuna Diyaariyo Su’aalaha Laga Weydiin Doono Xilkaa isaga Ah Xilkaasi Muxuu Yahay, intee Buu La Egyahay, Sidee Loo Gudan Karaa Su’aalahaas in Layswediiyana Waxay Hordhac Utahay, in Laga Fikiro Lana Fahmo, Loona Tabtaysto Sidii Xilkaa Looga Soo Bixi Lahaa Hadaba Xolkaasi Muxuu Yahay?

Rabi (Swt) Markuu Abuuray Aduunyada Wuxuu Abuuray Aabeheen Adam, Wuxuuna Kadhigay Daryeelaha Aduunyada, Wuxuuna Faray Inuu Aduunyada Kadhaqan Galiyo Kheyr, Alle Kacabsi Wanaag, Cadaalad, Kana iLaaliyo Gaalnimada, Sharta, Xumaanta, Dulmiga, Fasaadka iwm, Taas Ayaana Ah Waajibka Lagarabo Qofkasta Oo Muslim Ah, Oo Qaatay Xilkii Lafaray  Aabeheen Adam iyo Dhamaan Nabiyaashii Ka Danbeeyay Calayhim Assalaam, Waxaana Wada Ognahay Jannada Rabbi (Swt) in Lagu Muto Oo Kaliya iimaan Xeel Dheer iyo Camal Saalix Ah Oo Kutoosan Jidkii Uu Rabbi Caddeeyay Camalka Saalix Ahna Waxaa Usareeya Midka Leh Faa’iidada Guud , Oo Anfacaya Bulshada Oo Dhan, Ee Aan Gaar U Ahayn Qofka Samaynaya Oo Kaliya. Sidaa Darteed Diinteena Meel fiican Kumna Leh Kaligii Noolaade. Ama Kaligii Cune, Ama Qofka Aan Dareemaynin Dhibka Umada, Ee Kunool (Dantaada Karaaco Maxaa iga-galay). Waxaaa Su’aal Ah, Maxaan Qaban Karaa, Maanaa Umada Dhibkeeda inaan Wax Kaqabto Layga Sugayaa? Xilkaasi Soo Masaarna, Madaxda, Culimada iyo Dadka Awooda Leh Oo Qur Ah? Jawaabtuna Waa Haa: Xil Adag Baa Kusaaran, Lagaalana Xisaabtami Doonaa! Si’aan Taa Ugarwaaq; Sanana Waxaad Ogaataa Rabbi (Swt) inuu Kaa Dhigay Qof Bani Adam Ah Ee Uusan Kaa Dhigin Carro Ama Geed Ama Xayawaan iwm.
* Oo Mislim Ah Oo Qaatay Waajibkii Nabiyaasha. Dareemayna inay Jirto Maalinta Qiyaamada Xisaab iyo Su’aal Lays Weydiin Doono Maxaad Soo Shaqaysatay?
*Oo Dhimir Qaba: Oo Kala Garanaya Khayrka iyo Sharta Xaqa iyo Baatilka, Wanaaga iyo Xumaanta, ileen Dadka  Aan Dhimirka Lahayni Waxay Waayeen Qaybtii Ugu Saraysay Ee Xil Lagu Qaadi Lahaa.

* Oo Laxaad Qaba: Awoodna Uleh inuu Waxqabto, Waxfahmo, Waxa Saxda Raadiyo, Maadaama Rabbi (Swt) Uu Siiyay Caqli iyo Laxaad isku Qoofalan, Oo Xor Ah, Oon Ahayn Adoon Laleeyahay Ama Qof Xabsi Kujira, Oon Lahayn Xoriyad iyo Awood Uu Wax Kuqabto Wax Kufuliyo,
Hadduu Rabbi (swt) untaa Oo Dhan Nasiiyay Waa Doqonimo inaan Dhahno, Waxba Maqaban Karno Oo Waxa Dhacaya Unbaan Daawanaynaa, Waxaana Noqonaynaa Dad Aan Garanin Qiimahooda iyo Awooda Uu Rabbi (swt) Nagu Manaystay. Xilka Uu Rabbi (swt) Nasaarayna Kuma Dhacayo Garasha La’aanta, Caqli Xumada, Maxayeelay Rabbi (swt) Wuxuu Faray Fikir Badan, Fahm Xeeldheer, Dadaal Farabadan, iLaalinta Maskaxda Guud iyo iskaashi Xoog Badan, Silooga Baxo Dhibka Dacfiga Loona Xaqiijiyo Cadaalada, Raxmada, Wada Noolaanta iyo iskaalmaynta Ay Kudhisan Tahay Nolosha Bani Adamku Rabbina (swt) Wuxuu Si Adag inooga Reebay inuu Qofku Hayaraac iska Noqdo, Fikirkiisii iyo Maskaxdiisiina Uu Udhiibto Dadkale, Sida Ay Somalidu Tiraahdo (Kabtaada iyo Tolkaa Midna Lagama Dhexbaxo) ILaahay Taas Wuu Xarrimay, Maxayeelay Wuxuu Kusiiyay Caqli iyo Garasho Kuu Gaar Ah Wuxuuna Noo Adkeeyay imtixaanka Aakhiro inuu Qofwalba Kali Umari Doono, Qofna Aan Laga Aqbali Doonin Anu Waxaan iska Daba Socday Hebel Ama Reer Hebel iwm.

Hadaba Akhristaha Waxaan Weydiin Lahaa 2 Su’aalood Oo Kaliya:
1. Dhibka Aadka Ubadan Ee Haysta Umada Islaamka Ah, Gaar Ahaan Somalida, Yaa Mas’uul Ka Ah, Yaa sababay?
2. Sidee Dhibkaa Looga Bixi Karaa? Yaase Laga Rabaa inuu Wanaag Kubadalo?

Waxaan Hubaa Hadii Labadaa Su’aalood Laweydiina Lahaa Dadka Muslimiinta Ah Gaar Ahaan Somalida inay Jawaabtu %95 Noqon Lahayd, Dhibka Waxaa Keenay Gaalada, Yahuuda, Cdaawaha iLaahay iwm.

Su. Yaa Laga Rabaa inuu Umada Dhibka Ka Bixiyo, Ka Dulqaado?
Ja. Madaxda, Culimada, Ururada, Dhinaca Kalana; in iLaahay Loo Laabto, Laga Cabsado, isaga Labaryo iwm.
Taasina Waxay Kadhigantahay inaan Lafahmin Dhibku Meesha Uu Kasocdo Ee Saxda Ah iyo Sababta Keentay Ee Dhabta Ah Midna inta Aan Labadaa Lagaranina Raja Lagama Qabo in Dhibka Lagabaxo, Maxayeelay Qofka Ay Xoolihiisii Dhumeen, isna Dhinac Kale Udoonaya, Aad Bay U Adagtahay inuuhelo, Madaama Uu Jidkale Qaaday Qofka Tabarta Daran Ama Garashada Xumaanta Haysata Usaariyo Dadka Kale; Cadaawaha, Dhagar Qaba-yaasha Xasadka iwm.

Qofkii Badidiisa Udoona Meel Ayna Jirin, inuu Soo Helaa Waa Wax Aan Dhacaynin.

intaa Kadib Madhihi Karnaa Dhibka iyo Jabka Nahaysta Sababtiisu Waa Alle Kacabsi La’aanta? Maya Taasi Xaqiiqda Ma Aha; Laba Sababoodba:

1. Kuwa Hadda Dadka Laynaya, Dhiiggii Umada Ku Faraxashay, Dadkii iyo Dalkiina God Aad Mugdi U Ah Kusii Tuurayaa Waa Kuwii Sheeganayay Diinta Wadaadnimada, Dilka iyo Daadinta Dhiigana Waxay Usoo Daliishanayaan Aayado iyo Axadiis, Ayna Macnahooda Dhuuxin.

2. Haduu iLaahay Qofkii Ama Umadii Ku Caasidaba Jab iyo Burbur Kuridi Lahaa, Waxaa Horteen Baabi Lahaa Gaalooyinka iLaahay Jiritankiisaba Diidan, inaguna Aan Usoo Wada Qaxnay, Ee Barwaaqada iyo Raaxada Ku Nool!!

La Soco Qeybta 2:aad Ee:
Dareenka Xilka Kusaaran !

Waxee U Dhorantahay Xuquuqda Maqalkaan :
Axmed Cabdulaahi iyo Boga Abdirahman Abukar Diini

Waxaa Soo Daabacay:
Abdirahman Abukar Diini

Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska
Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

Abdirahmandini@gmail.com

0 comments:

Post a Comment