Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Cudurada Ku Dhaca Nolosha Qoyska

♠ Posted by Unknown in at Thursday, January 09, 2014


Nolsha Qoyska Waxaa Kudhici Kara Cudurro Khatar Gelin Kara Jiritankeeda iyo Horu-markeeda Cuduradaas Qaarkood Waa Dilaa Oo Waxay Burbur iyo Khatar Ukeeni Karaan Jiritaankii Reerka Ama Waxay Wiiqi Karaan Horumarkii iyo Habsami Usocodkii Nolosha Qoyska Hadaba Qayb Kamid Ah Cuduradaas Asbaabaha Keena iyo Siyaabaha Loo Daaweyn Karo Ka Akhriso Halkan:


Cudurka 1.aad [] Masayr 
Noociisu Waa Dilaa: Wuxuu Keeni Karaaa inuu Reerkii Burburo
Asbaabaha Keena 
Tuhunka iyo Shakiga Badan Ee Aad Kaqabto Qofka Nolosha Kula Wadaagaya [] Maxaa Lagu Daaweyn Karaa? 
in La ixtiraamo Xoriyada Qofka Kula Nool in Hadalka Laysu Cadeeyo Runtana Laga Sheego in Laga Fogaado is Dhexyaaca Raga iyo Dumarka Ajnabiga Kala Ah.
Cudurka 2.aad: [ Beenta ] [[ Noociisa Waa Dilaa 
Asbaabaha Keena:
Diin Xumada, Shaqadii Oo Laga Gaabiyo, Kadibna Lacabsado Laguna Dhiiran Waayo Runta, iyo Qancinta
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa?
in Laga indha Laabto Qaladaadka Yaryar in Waajibaadka Siffiican Laysugu Cadeeyo/Loo Qeexo, in Qalad Markuu Dhaco La Ogaado- aan La inkirin.

Cudurka 3.aad: [ Gacan Kahadalka ] Noociisa Waa Khatar Aad Ah 
Asbaabaha Keena!
Madax adayga, Muranka Qallafsan, Tarbiya Xumada, Caqli Xumo, Dacfiga, Qofka Kale.
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa?
in La Abuuro Jaceyl, in Laysu Sabro, Laysu Dulqato, Laysu Qanciyo iyo in Runta Laysu Cadeeyo Markasta.
La Soco Qeybta Xigta Ee Cudurada Ku Dhaca Nolosha Qoyska

Cudurka 4.aad . Faragelinta Qaldan:
Noociisa, Waa Khatar aad ah
Asbaabaha Keena!
Arimihii Gurigu inay Banaanka Ubaxaan Booqashada Qaraabada Oo Badata Kadibna ay Fara Galiyaan Arimihii Hoose Ee Guriga
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa?
in La ilaaliyo Siraha Guriga, in Layareeyo Booqashada, in aad Loo Qadariyo Nolosha Qoyska

Cudurka 5.aad > Jacaylka Nafta (Selfish)
Noociisa Waa Khatar :
Asbaabaha Keena:
Kibirka iyo isla Weynaanta, Tarbiya Xumada, Qofka Oo Naftiisa aad Ujecel, Xilkasnimo La'aanta iwm.
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa
in Laqadariyo Dareenka iyo Danaha Qofka Kula Nool, in Lawadaago Dheefta iyo Dhibka

Cudurka 6.aad > Gacan Adayga > Noociisa Waa Khatar:
Asbaabaha Keena :
Bakhiilnimo, Dabeecad Xumo, Diin Yari iwm.
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa:
in Rabbi Looga Mahadceliyo Nicmooyinka Uu Nasiiyay, in Risqiga Rabbi Nasiiyay Lagu intifaaco, in Laxasuusto in Maalka Laga Dhiman Karo Saacad Kasta

Cudurka 7.aad > Xiisa Dhiga > Noociisa Waa Khatar:
Asbaabaha Keena!
Nolosha Halka Waji Leh, Shaqo La'aanta iyo Firaaqada Badan, Cusboonaysiin La'aan, (Fadhiido Waa Rabteedii) iwm.
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa?
in Nolosha La Cusboonaysiiyo, Qorsha Loo Yeelo, Safarro Lawado Aado Ciyaar Lawada Sameeyo, Wax La Akhriyo Si Afkaar Cusub Oo Faaido Leh Loo Helo
Cudurka 8.aad [] In Lakala Daalo [] Noociisa Waa Khatar:
Asbaabaha Keena 
Wahsi, Shaqo Nacayb, Tarbiya Xumo iyo in Dadka Kale Latala Saarto.
Maxaa Lagu Daaweyn Karaa 
in Nolosha La Habeeyo, Lays Xilqaamo, Nafta Lagu Cadaadiyo Shaqada iyo Khayrka Ay Nacayso iwm.

Hadaba Cuduradaasi Aan idiin Soo Wada Gudbiyey Waa Kuwa Ugubadan Ee Kudhaca Nolasha Qoyska, Waxayna Wiiqi Karaan Jacaylkii, Hormarkii Waxqabadkii Qoyska Barbaarinta ILmaha iyo Jiritaankii Reerka intaba Waxaana Lama Huraan Ah inay Labadii isqabtay Akhriyaan, Aadna isaga ILaaliyaan Cuduradaan.
Qofwalbana isagu ismiisamo, isbaaro Siloo Ogaado Meesha Uu Dhibka Ka Socdo, intaa Kadibna  Aad Loogu Dadaalo Sidii Loo Daaweyn Lahaa Labada isqabta Ee isku Xaqyeelatay, isu ILmadhashay Oo Kaliya Ayuuna Xil Adagi Ka-Saaran Yahay Siday Ubadbaadin Lahaayeen Gurigooda, iLmahooda iyo Sharaftooda intaba,Qofkuna Markuu Arinta Qiimaheeda Garto, Daacadna Ugu Heli Lahaa Waxaana Aad Uhaboon in Wax La Akhriyo Siloo Arko Khibradihii, Talooyinkakii, Siyabihii Ay Dadkii Wax Garadka Ahaa Uxalin Jireen/U Daaweyn Jireen Dhibaatooyinka Soo Jireenka Ah.

Xuquuqda Maqaalkaan Wuxuu U Dhoranyahay
Axmad Cabdulahi iyo Boga Abdirahman Abukar Diini
Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska:
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

Abdirahmandini@gmail.co

1 comments:

Best Casino Hotel Apps in San Diego - Mapyro
The best casino hotels in San 춘천 출장마사지 Diego. We review the most popular real money casinos in the area, as well 하남 출장안마 as 태백 출장마사지 current reviews of 충청남도 출장샵 the top-rated sites in 용인 출장안마

Post a Comment