Kala Soco Maqaalo Xiiso Badan

Furayaasha Guusha Qoyska Wanaagsan

♠ Posted by Unknown at Thursday, January 09, 2014


Waxaa Sanadahan Danbe Aad Kor Ugu Kacay Xaa;adaha Furitaanka, Burburka Qoyska iyo Dayacanka Ubadka, Balse Waxaa Jira Qoysas Badan Oo Guurkoodii Raandhiisay, Ama Sifiican Uhirgalay, Waxaana Hubaal Ah in Guurka Guulaystay Ayna Bilaash Ku Guulaysanin, Balse Ay Katalaabsadeen Dhibaatooyin Badan Oo Sababay inay Guurar Kale Oo iyaga Lamid Ahaa Burburaan, Hadaba Waxaa Jira Furayaal Dhawr Ah Oo Keenay Guushaas, Waxaana Kamid Ah:

(2) in Laxakameeyo Khatarta Carabka:✿
Afdhaafka Ama Carab Dheerida Waxay Kamid Tahay Khataraha Ugu Waaweyn Ee Nolosha Lamaanaha Jug Weyn Gaarsiin Karta Hadaba Waxaa Aad Uhaboon inay Labada isqabtaa Ku Dadaalaan Siday Uxakamayn Lahaayeen Carabkooda Gaar Ahaan Xaaladaha Carada iyo Xanaaqa Hadalka Xun Ee Soo Baxa Waqtiga Xanaaqa Lama iLoobo Gaar Ahaan Haduu Yahay Mid Kujeeda Reerka Ama Qoyska Ay Kasoo Jeedo Xaasku. Hadaba Carabku Waa Xubin Yar Oo Aan Laf Lahayn Lakiin Jabin Karta Laffo Xeel Dheer Burburin Kartana Guryo Dhisnaa Kalagayn Kartana Reero Aad isu Jeclaa
(3) indhahaaga Nus Fur Nusna iskuxir: ✿:
Waxaa Lawada Ogyahay in Marka Lays Shukaansanayo Qofwaliba Kudadaalo inuu Muujiyo Dhinacyada Uu Kufiican Yahay Ama Meelaha Uu Kaqurux Badan Yahay Si Uu Qofka Kale isku Jeclaysiiyo. Marka Lays Arooso Kadibna Sidhab Ah Ayaa Laysu Bartaa, Qofwalbana Waxaa Usoo ifbaxa Ceebaha Qofka Kale. Rabbina (SwT) Ma Abuurin Qof Dhamaystiran Ee Qofwalba Meelo Ayuu Kaliitaa, Ceebana Kaleeyahay, Hadaba Waxaa Haboon inaada Beegsanin Ceebaha iyo iimaha Qofka Kulanool Ee Aad Fiiriso, Dhinacyada Uu Kufiican Yahay, Ka Qurxan Yahay Kuna Amaanto Meelahaas Si uu Kuusii Jeclaado. (Waqtiga Shukaansiga Indhahaaga Aad Uffur, Guurka Kadibna Indhahaaga Nus Xir, Nusna Fur, Si Ay Nolosha Qoysku Uhor-Marto)

(4) Raadinta Xal Dhexdhexaad Ah :✿
Marka Ladhaafo Bisha Arooska iyo Maalmaha Macaanka, Waxaa Bilaabata Noloshii Dhabta Ahayd Waxaana Soo Baxa Dabeecadihii Dhabta Ahaa, Waxaana Dhici Karta in Lakala Boodo Ama Laysku Dhaco. Markaana Waxaa Aad Loogu Baahanyahay, in Lawada Hadlo Laysuguna Yimaado Meel-Dhexe, Qof Walbana Ogolaado inuu Katago Qeybo Kamid Ah, Waxyaabihii Uu Jeclaa Ama Uurabay Siloo Adkeeyo Jiritaanka Qoyska. Qofka Raba inuu Helo Dhamaan Wuxuu Jeclaa, Waa Qof Aan Dhisi Karin Nolol Qoys, Mid Bulsho iyo Mid Urur Midna, Waxaa Layiri Waxaa isku Bah Ah; (Kaligii Noolaade, Kaligii Cune iyo Kaligii Taliye) iLaahay Shartooda Hanaga Koroyee.

(5) Runtu Waa Raaxo:✿
Majirto Nolol Qoys Oo Kamaran Dhibaatiiyin Laxiriira isfaham La'aan Ama is Eedayn Balse Khatarta Uguxumi Waa Beenta Hadal isdaba Marinta Runta Oo Yaraata iwm. Taasinaa Waxay Keenaysaa inay Kalsoonidii Yaraato Shakigau Bato Wax Lakala Maqli Waayo Halkaana Waxaa Kabilaaban Kara Khatar Kutimaada Jiritaankii Qoyska Hadaba Beentu Waa Xaraan Waaxayna Keentaa Shakki Kalsooni Dhumid Waana Bilowga Xumaan Oo Dhan Runtuna Waa Raaxo, Kalsooni, Xasilooni, iyo Raali Gelin Rabi (SwT) [[ Alle Carabkeena Haku Sugo Runta

(6) Wadaaga Shaqada Guriga ✿
Guryaha Dhismay Waxay Kucaan Baxeen Cadaalad Kudhaqanka iyo Mucaamalo Wanaag. Waxyaabaha Jaceylka iyo Kalsoonida Qoyska Abuurana Waxaa Kamid ah inuu Ninkii Lawadaago Xaaskiisa Shaqada Guriga Sida ilmo Haynta, Cunta Karinta, Alaab Dhaqida, Nadaafada Guriga iwm, Gaar ahaan Maalmaha Uusan Shaqo Lahayn, Ama Uusiiyaba Maalin ay iyadu Nasato isagu Shaqada Guriga Qabto Taasina Waxay Abuuraysaa. Hawl Wadaag, Kalsooni lays Dhaafsado ilmihii Oo Farxa Markay Arkaan Aabihii Oo Hooyo Lashaqaynaya iyo Gurigii Oo Salka Dhigta.✿
(7) Buuxinta Baahidii Jaceylka/ Sariirta: ✿
Danaha Guurka Waxaa Kamid Ah inay Labadii Qof Ugutaan Baahidoodii Jaceyl Sixalaal Ah Oo Raaxa Leh, Hadii Taa Lawaayana Dhibaato Ayaa Bilaabata. Inuu Qofkii Dareemo inaan Baahidiisii Ladaboolin Ama Aan Lajeclayn, Halkaana Waxaa Kabilaaban Kara Fikirxun iyo In Laka Niyadjabo. Taasina Waa Khatar Burbirisay/ Burburin Kartana Guryo Fara Badan, Waxaana Lama Huraan Ah inuu Qofwaliba Ogaado inay Waajib Kutahay, Xil Adagina Kasaaran Yahay Daboolida Baahida Jaceyl Ee Lamaanihiisa. Waxaana Xaq Ah inuu Qofwaliba isu Qurxiyo, isu Carfiyo, Hadalka Umacaaneeyo, Kana Taabto Meelkasta Oo Lamaanihiisu Ku Farxaayo, Si uu Jaceylkoodii Usii Kobco, Usii Adkaado. Haduu Taa Kagaabiyana Wuxuu Noqonayaa Qof Dayacay Waajibkii Saarnaa Kana Gaabiyay Xilkii iLaalinta Ama Adkeynta Jiritaanka Qoyska Wanaagsan

{8} Adeegsiga Luqada Jaceylka: ✿
Bani Adam Kasta Wuxuu Ubaahan Yahay inuu Helo Ama Barto Hadallo Macaan Oo Uu Dadka Kula Hadlo, Si Uu Bulshada Ula Qabsado, Meel Fiicana Uga Helo. Qoyskaaga iyo Lamaana-haaga Ayaana Ugu Wanagsan Wax Hadal Macaan Lagula Hadlo, Nasiib Darro Bulshada Somalida Way Kuyartahay Adeegsiga Luqada Jaceylka, Qaarna Waxayba U Arkaan Wax Laga Xishoodo. Hadaba Waxaa Loo Baahan Yahay in Aad Loo Adeegsado, Kalmadaha; Waan Ku Jeclahay, Waan Kaa Helay, Waan Kuu Riyaaqay, IWM, Si Aad Lamaanahaaga Qalbigigiisa Farax iyo Jaceyl Ugu Dhaliso, Reerkaagiina Meel Fiican Ugaarsiiso, Sidoo Kale Waa in Labadiyo; Salaanta, Shuminta, Soo Dhaweynta iyo Ficil Kasta Oo Sii Adkaynaya Jacaylka Lamaanaha Taasina Waa Xaq Uu Rabi (SwT) Faray Waxaana Kujirta Maslaxada Qoyska, Bulshada iyo Umada Oo Dhan Maxaayeelay Markasta Oo Reer Muslim Ahi Dhismo, Guulaysto, Umadii Kheyr Baa Usiyaada, Markasta Oo Reer Burburana Waxaa Bulshada Usoo Hoyata Dayacan Caruureed, Dhib Waalid, Khilaaf Beeleed, Dagaal Qoys, isnac Reero isjeclaa, Eed iyo Hadal Xumo Fara Badan IWM


(9) Kalsoonida Dhaqaalaha ✿
Khilaafka Dhaqaaluhu Wuxuu Kamid Yahay Dhibaatooyinka Ugu Khatarsan Ee Burburiya Guryaha, Sidaa Darteed Waxaa Loo Baahan-yahay in Lahelo Kalsooni iyo isqancin Dhinaca Dhaqaalaha. Iyo in Qorshaha Dhaqaalaha Ee Qoyska Loo Wada Maareeyo Siwadajir Ah, Runtana Laga Sheego Biilkii Meeshuu Kubaxay, Siwadajir Ahna Looga Fikiro Baahida Jirta Sidii Loo Maarayn Lahaa.

Tusaale Ahaan Qoysaskii Somaliyeed Ee Qurbaha Joogay Waxaa Burburiyay, Baahida Kajirta Dalkii, Oo Waxaa Laysku Dagaali Bishaan Hooyaday, Biil Halloo Diro, Maye Ani Aabahay Baa Kadaran Ee isagaan Udiraynaa. Waana Arin Ubaahan Oo Kaliya in Siwadajir Ah/ Sinaan Ah Looga Fikiro, Danta Reerkan Qurbaha Jooga iyo Wax Kaqabashada Baahida Ehelkii Gudaha Ku Haray.

Waxee U Dhorantahay Xuquuqda Maqalkaan :
Axmed Cabdulaahi iyo Boga Abdirahman Abukar Diini

Waxaa Soo Daabacay:
Abdirahman Abukar Diini

Ku Xirnow Guriga Dacwadda iyo Badbaadinta Qoyska
Abdirahman Abukar Diini
Waxii Talo iyo Tusaale ah Inoogu Reeb.

Abdirahmandini@gmail.com

0 comments:

Post a Comment